Shacabka Garowe oo ka hadlay is-casilaadda Gudoomiyaha Barlamanka [Dhagayso]

Image

28 Octobar, 2015(GO)-Shacabka ku nool magalada Garowe ayaa maanta aragtiyo kala duwan ka muujiyay is-casilaadda Gudoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo ku dhawaaqay inuu dagay jagadaasi.

Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay Radio Garowe, ayaa soo dhaweeyay inuu is-casilo Gudoomiyuh halka qaar kale tilmaameen inay isagu leeyahay go'aankiisa, taasina ay tahay arrin caadi ah.

Dadka qaybtiis ayaa is-casilaadda Shire ku tilmaamay inay tahay cabsi uu ka qabay mooshinka, waxayna Barlamanka ku ammaaneen shaqada u hayaan bulshada.

Aragtidan ayaa dadka dhiibtay, waxaa ku jiray mas'uuliyiin horay xilal uga soo qabtay Puntland iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, waxayna soo jeediyeen in la isku duubnaado, doortaanna shakhsi hormar u keenay dalka iyo dadkaba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM