Shakhsiyaad ka tirsan Al-shabaab oo Garowe ka qaatay baasaboor

Image

23 October,2015 (GO)- Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi “Qar-jab” ayaa shaaciyay inay jiraan dad katirsan xoogaga Al-shabaab oo baasabooro ka qaatay magaalada Garowe, balse waxaa uu sheegay inay gacanta ku hayaan dadkii damiintay shaqsiyaadkaas.

Hadalkaan ayuu wasiirku ka jeediyay kulan uu la qaatay saraakiil kasocotey hay'adaha QM ee UNSOM iyo UNDP, kasoo diiradda lagu saarayey dhamaystirka shaqooyinka xafiisyadaasi hayeen inta kadhiman sanadkaan sida taageerada Police-ka Puntland.

Qar-jab ayaa sheegay arrintaan inay keentay habacsanaanta kajirta xafiiska Baasboorada iyo jinsiyadaha Puntland, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo si loo kantaroolo cid walba oo dalka soo galaysa ama ka baxaysa.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay inay sumcad xumo weyn ku tahay in argigixsadu Basbooro ka qaataan Puntland, taasoo uu sheegay inay dhaawici karto sharaftii ay ku leedahay caalamka.

Qar-jab ayaa digniin ujeediyay dadka wax damiinta, isagoo u sheegay in cid walba ay ka feejig-naanto qofka ay mas'uuliyada ka qaadayso.

Dhianca kale, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay y in dabagal lagu samaydnoono hay’addaha Puntland soo gala iyo kuwa ka baxa ee ka shaqeeya samafalka.

Wasiirka amniga Cabdir Xirsi “Qar-jab” ayaa ku eedeeyay in hay’addaha qaarkood wax u dhimaaan ammaanka deegaanada, halka uu carabaabay inay jiraan kuwo dhaqaale badan kusoo qaata Puntland, kuwaas oo aan la ogayn halka ay ku bixiyaan dhaqaalahaas.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya maalmo kadib markii warbixin qaramada kasoo saartey arrimaha maanka Somalia ku eedeeysay madaxweyne Cabdiweli Gaas inuu ka gaabshey la dagaalanka kooxaha Al-shabaab.

Warbixintaan ayaa sheegetey in madaxweynaha Puntland iyo ciidamada amaanka farqi weyn u dhexeeya kadib markii mushahar la'aan lasoo gudboonaatey xoogagag amniga islamarkaana saraakiil xilalka laga qaadey kuwasoo dagaal kula jirey ururada aragagixisada ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM