Shaqaalaha Puntland Tv oo shaqo joojin sameeyey

Image

GAROWE- Talefishinka afka dowlada Puntland ku hadla ayaa qaybo ka tirsan Wariye-yaasha iyo farsamayaqanada waxay sameeyeen maalintii shaley 23 July, 2016 shaqo joojin kadib markii mushahar la'aan lasoo gudboonaatey. 

Waxaa gabi ahaanba aan la baahin habeenkii xalay 23 July, 2016  wararkii ka baxayey Tv sida warka baxa 6:00 makhribnimo, 8:00 fiidnimo iyo 10:00 fiidnimo kadib marki shaqaalihii baahin lahaa shaqada joojiyeen.

Puntland tv ayaa sida warsidaha GO wararka  ku heleyo waxaa lasoo gudboonaatey hogaan xumo taasoo sababey in shaqaalaha waayaan mushaharkoodii iyadoo dhinaca kale la dhunsadey gunooykooda.

Talaabada ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa xilli uu xun yahay xiriirka u dhexeeya Wasaarada warfaafinta iyo saxaafiyiinta Puntland.

Talefishinka ayaa waxaa iminka agaasime KMG ah u ah Nin la yiraahdo Daahir Aflow oo horey u ahaan jirey ku xigeenka hay'adaan. 

Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Puntland u magacaabey xilkaan agaasime cusub nin dhalinyaro ah oo la yiraahdo Jamaal Carrab Yusuf Jibriil kaasoo weli aan xilka la wareegin sababo aan la shaacin.

Jamaal Carrab Yusuf Jibriil oo adeer u yahay Cabdi Barre Yusuf Jibriil ayaa warar aan la xaqiijin u sheegayaan GO in beeshiisa u diidey in uu xilkaan qabto madaama ay aheyd mid siyaasadeysan.

Talaabada xilka loogu magacaabayo agaasimaha cusub oo uu ku lug lahaa Wasiirka ganacsiga Puntland ayaa waxaa macnaheedu ahaa  hor-istaag lagu sameynayo  Cabdi Barre inuu dib uga raadsado beeshiisa xildhibaanimada Barlamanka Somaliya.

Talefishinka Dowlada ee Puntland ayaa labadii sano ee ugu dambeysay  waxaa lasoo gudboonaadey dhibaatooyin la xiriira hogaan xumo Iyo mushahar la'aan baahsan.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM