Madaxweynaha Puntland iyo Nicholas Kay oo shir uga socdo madaxtooyada

Image

18 November, 2015(GO)-Waxaa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe ka socd shir alaabadu u xiranyahay oo u dhaxeeya madaxweynaha Puntland, Nicholas kay iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland.

Shirkan lama oga waxa uu salka ku hayo, balse Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe.

Saxaafadda oo xilli hore loo yeeray ayaa sugan xarunta madaxtooyada Puntland, waxaana la filayaa in labada mas'uul qabtaan shir jara'id oo ku saabsan wixii laga wada hadlay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ayaa isna ku sugan magalada Garowe, waxaana socda wadatashiyo ku aadan hiigsiga 2016.

Faah-faahinta warkaasi iyo waxa laga wada hadlay dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM