Madaxweynaha Puntland iyo Nicholas Kay oo shir uga socdo madaxtooyada

Image

18 November, 2015(GO)-Waxaa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe ka socd shir alaabadu u xiranyahay oo u dhaxeeya madaxweynaha Puntland, Nicholas kay iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland.

Shirkan lama oga waxa uu salka ku hayo, balse Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe.

Saxaafadda oo xilli hore loo yeeray ayaa sugan xarunta madaxtooyada Puntland, waxaana la filayaa in labada mas'uul qabtaan shir jara'id oo ku saabsan wixii laga wada hadlay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ayaa isna ku sugan magalada Garowe, waxaana socda wadatashiyo ku aadan hiigsiga 2016.

Faah-faahinta warkaasi iyo waxa laga wada hadlay dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM