Shir dib loogu eegayo siyaasadda waxbarashada oo Garowe ka furmey

Image

March 15, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka furmaya shir ku saabsan dib u eegista siyaasadda waxbarashada ee Puntland.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah wuxuu ka dhacayaa xarunta Hay'adda Cilmi-baarista Puntland ee PDRC.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa shirka soo qaban qaabisey, waxaana kasoo qayb gelaya mas'uuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo iyadu shalay Garowe soo gaartey.

Sidoo kale waxaa shirka lagu casumey wufuud caalami ah oo ka socota deeq bixiyeyaasha iyo hay'adaha Puntland ka taageera dhanka waxbarashada.

Muddada labada maalmood ah ee kulankani socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa horumarka Puntland dhanka waxbarashada ka sameysey iyo weliba qorshaheeda waxbarasho ee shanta sano ee soo socota.

January 25, 2015 ayey ahayd markii la ansixiyey manhajka cusub ee waxbarashada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM