Shir Garoowe ku yeelan lahaayeen Madaxda maamullada oo baaqday

Image
Image

GAROOWE, Puntland- Wararka Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya inuu baaqday shir ay isugu imaan lahaayeen Madaxda maamul goboleedyada oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Garoowe 20 bishan.

Kulanka oo 10 February, 2019 ku dhawaaqay Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa isugu imaan lahaa hogaamiyaasha maamullada eek u midoobay golaha uu hogaamiyo Madaxweynaha Puntland, kaasoo la sheegay in looga hadlayo arrimo khuseeya xaaladda dalka iyo danaha dowlad goboleedyada.

Baaqashada shirkan ayaa lala xiriirinaya khilaafaadka ka taagan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan tan u dhaxaysa golaha xukuumadda iyo Barlamanka, kuwaasoo arrintoodu markii golaha shacabku mamnuucay shirkadda DP World oo heshiiyo kula jirta maamullada Puntland iyo Somaliland.

Inkastoo Somaliland mowqifkeeda cadaysa islamarkaana xustay inuusan tallaabada Barlamanku khusayn, hadana wali waxaa howshan ka aamusan madaxweyne Gaas iyo xukuumaddiisa.

Wararka uu helayo Garowe Online ayaa tilmaamay in khilaafkaas uu saameeyay shirka Garowe, kadib markii madaxda maamullada qaybtood ku dhex milmeen khilaafka ka taagan magaalada Xamar.

Shirkan baaqday ayaa ka hormari lahaa mid dabayaaqada March ay isugu imaanayaan hogaamiyaasha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, kaasoo looga hadli doono arrimaha dalka.

Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa sannadkii hore samaystay madal ay Guddoomiye ugu doorteen Madaxweyne Gaas, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka iyo hogaamiyaasha maamullada, waxaana tan iyo xilligaas aad u wanaagsanaa xiriirkooda marka la barbar dhigo tan Federaalka.

Golahan ayaa yimid markii DFS iyo Dowlad goboleedyadu ku kala qaybsameen khilaafkii waddamada Khaliijka Sannadkii hore markii xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho ay istaagtay qorshe dhex-dhexaad ah, halka maamulladu ay garab istaageen Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Kulankan ayaa hadii uu qabsoomo noqon doona midkii 2aad ee ay isugu yimaadaan madaxda dowlad goboleedyada dalka, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan inuu dib u dhacay ilaa 23 bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM