Shir looga arrinsanayo tayaynta shaqaalaha dowladda oo Garowe lagu qabtay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

14 January, 2016(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu qabtay kulan ay goob joog ka ahaayeen Agaasimayaal guud oo kasocda sagaal hay'adood oo dowladda Puntland katirsan kuwaas oo Bangiga Adduunka kataageerayo dhinaca dhaqaalaha iyo tayaynta shaqaalaha.

Ujeedka shirka maanta ayaa ahaa qaabkii lagu soo bandhigi lahaa qorshe lagu kala shaandhaynayo dad kabadan 800 oo ruux kuwaas oo soo codsaday 60 boos oo dowladda Puntland dhawaan xayaysiisay.

Qorshaha dadkaasi lagu kala xuli doono waxaa hay'adda shaqaalaha rayidka ah Puntland kataageeri doonta hay'ad caalami ah oo lagu magacaabo Geopolicity Coorporation, waxaan wakiil kasocday oo lagu magacaabo Better uu sheegay inuu leeyahay khibrad gaaraysa 25 sano, barnaamijkanna uu yahay mid ay isla wadaan xukuumadda Puntland, laguna kala saari doono 20 hab.

Agaasimaha hay'adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafe Siciid Shacab ayaa warbaahinta u sheegay in qorshahan qayb kayahay tayaynta shaqaalaha dowladda Puntland, wuxuuna xusay inay kacaawinayso Bangiga Adduunka.

Wasiir ku-xigeenka Qorshaynta Puntland Siciid Faarax Maxamed ayaa dhankiisa xusay inay qorshahan waafaqsanyahay xeerka shaqaalaysiinta dowladda isagoo tilmaamay in dadka la qaadan doono yihiin kuwo si hufan oo nadiif ah loo soo kala xulay maadama dad badan soo codsadeen.

Bangiga Adduunka ayaa muddo dhan shan sano wuxuu hay'adaha dowladda kataageeri doontaa dhinaca dhaqaalaha iyo tayaysiinta shaqaalaha, waxaana muddooyinkii dambe socday qorshe dib u dhis iyo habayn loogu samaynayo shaqaalaha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM