Shir ugu socdey Isimada Garowe oo lagu kala kacay

Image

GAROWE-, Puntland- Shir ugu socdey magalaada Garowe isimo ergo ahaan uga yimid magalaada Qardho Iyo odey dhaqameed ku sugnaa magaalo madaxda Puntland ayaa guul daro kusoo dhamaadey.

Isimadaan oo uu hogaminayey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa magalaada Qardho uga soo kicitimey in isimo ku sugan magaalo madaxda Puntland ku qanciyaan iney ka qayb galaan shir ka bilaamaya magaalo madaxda gobolka Karkaar.

Khilaafka isimida Puntland oo horey u jirey ayaa soo shaacbaxay kadib markii Boqor Burhaan Boqor Muse  iclaamiyey in magalaada Qardho lagu qabto shir isugu imaanyaan Issimada Somaliya. 

Isimada Garowe ku shirsan ayaa warsaxafdeed ay soo saareen ku sheegey in shirka Qardho aan loo dhameyn islamarkaana uu jiro khilaaf u dhexeeya odey dhaqameedka Puntland kasoo u baahan in la xaliyo. 

Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu  soo noqdey Garowe ayaa lagu marti qaadey inuu furo shirka ka furmaya Qardho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM