Shirka dib u eegista waxbarashada PL oo Garowe ka furmey

Image
Image
Image
Image

March 15, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furey shirweynaha labaad ee dib u eegista waxbarashada Puntland.

Munaasabadii lagu furayey shirkan waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada Dawladda Federaalka Khadro Bashiir Cali, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Puntland, xildibaano, bahda waxbarashada Puntland iyo saraakiil ka socdey hay'adaha dhanka waxbarashada kala shaqeeya Puntland.

Madaxweynaha oo si kooban furitaanka shirka uga hadlay ayaa Wasaaradda Wabarashada iyo Tacliinta Sare ee Dawladda Puntland ku ammaanay horumarka ay dhanka tayeynta waxbarashada ka gaartey.

"Runtii wasaaradani waxay noo tahay wasaarad ku dayasho mudan marka la eego shaqada ay hayso iyo guusha ay u soo hoysay Puntland, waana ku mahadsan yihiin halka wanaagsan ee ay maanta gaareen" ayuu yiri.

Dhanka kale, Gaas ayaa sheegay in ay muhiim tahay xukuumadda  iyo ganacsataduba inay iska kaashadaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyarada wax baratay ee shaqo la'aantu hayso.

Shirweynaha labaad ee dib u eegista waxbarashada Puntland ayaa soo xirmi doona maalinta berri ah, waxaana  si qoto dheer loogu falanqeynayaa caqabadaha ka jira dhanka waxbarashada iyo sidii loo kordhin lahaa tayada waxbarashada deegaanada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM