Shirka Galkacyo iyo waxyaabaha looga hadlay

Image

28 August, 2015 (GO)-Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa weli ka socda shirka wadatashiga Puntland oo lagu wado in la soo xirey barrito(Sabti).

Shirka intii uu socdey waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan marxalada haatan Puntland mareyso, tabashooyinka jira, sixidda wixii khaldan, ammaanka iyo gobolada ka maqan Puntland.

Ergooyin kala duwan oo ka hadlay shirkan intuu socdey waxay sheegeen in Puntland gaabis ka tahay dhinacyada hormarka iyo siyaasadda, halka qeyb kale sheegeen inay jiraan waxyaabo lagu amaani karo maamuladdi soo qabtey talada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa loo soo jeediyay inuu dhaqso u hirgaliyo nidaamka asxaabta badan oo ballan qaaday waqtigii uu tartamayay jagada Madaxweynaha Puntland, ergada shirkaasina sheegeen inay tahay habka kaliya ee looga gudbi karo khilaafaadka soo noq-noqda.

Sabtida bari ah ayaa lagu wadaa in la soo xiro shirkaasi oo 25 August ka furmay magaalada Galkacyo.

Garowe Online ayaa shacabka Puntland u ballan qaadeysa u soo gudbinta shirkaasi iyo waxyaabaha ka soo baxa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM