​Shir ka furmay magalada Qardho

Image
Image
Image
Image

QARDHO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa maanta ka qayb galay shir ka furmay magalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxana la sheegay inuu yahay shir lagu kulansiiyay duub dhaqameedka Somaliyeed.

Gogasha shirkaasi oo dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana kasoo qayb galay isimo kala duwan oo ka yimi Puntland iyo gobollada Somalia qaarkood.

Kulankan oo ka dhacay xarunta jaamacadda Bariga Afrika ee Qardho, ayaa ku saabsanaa furitaan oo kaliya, waxaana khudbad ka jeediyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali oo sheegay inuu ku faraxsanyahay ka qayb galka madashan, isagoo dhuubka shirka yimi usoo jeediyay inay ka qayb qaataan sidii la isugu keeni lahaa umadda Somaliyeed.

Furitaanka kulankan, ayaa kusoo beegmay xilli madashaasi khilaaf xooggan ka jiro iyadoo isimadu ku kala qaybsanyihiin, waxaana sidaasi oo kale shir Garowe uga socdaa isimo sheegay inaan kulankaasi lagu ballamin islamarkaana aysan haboonayn in madal Somaliyeed loo gudbo iyadoo aan laga tashan tan Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM