Shirka Wadatashiga Xeerka Warbaahinta oo la soo xiray [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

20 Septembar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu soo gaba gabeeyay kulan looga doodayay qaybo ka mid ah xeerka warbaahinta Puntland.

Dooda qodobadaasi laga yeelanayay, waxaa soo qaban qaabisay ururka warbaahinta Puntland ee MAP, waxaana ujeedkiisu ahaa sidii daneeyayaasha warbaahinta Puntland uga talo bixin lahaayeen qodobada ku jira xeerka ee doodu ka taagantahay

Labo maalmood  oo wadda xaajood iyo dood  dhex martey dhinacyada kala duwan oo ka mid ahaayeen mudanayaasha Barlamanka, bulshada rayidka iyo warfidiyeenka Puntland ayaa waxaa ka soo baxey talooyin loo arkey in lagu xallin karo caqabadaha ku jira xeerka warbaahinta Puntland.

Waxaana la isku raacey; 

1.    In la sameeyo guddi ka kooban: 

  •  Xubno qaanuun iyo sharci yaqaano ah
  •  Xubno wasaarada warfaafinta ka socda
  •  Xubno suxufiyiin ah(MAP)
  •  Xubno bulshada raydika ah.

Guddigaas ayaa dib u eegis ku samayn doona qodobada cabashada laga muujiyay iyadoo loo eegayo maslaxadda guud iyo danta dalka.Wixii ka soo baxana waxaa loo gudbin doonaa warfaafinta Puntland.

Guddoomiyaha MAP Faysal khaliif ayaa sheegey kulanka ka dib in talaabadani albaabada u furayso in wadda tashi lagu xalliyo waxyaabaha sixidda u baahan.

Maaha markii ugu horraysay oo dood laga yeesho xeerkan waxaana muddo soo jiitamayay cabasho ku aaddan qaybo ka mid ah, waxaana la ansixiyay bishii Jullaay ee sannadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM