Shirkii beesha Leelkase iyo Isimada Puntland oo natiijo la'aan ku soo dhamaday

Image

GAROWE, Puntland- Shir Garowe uga socday ergo ka kooban madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Leelkase iyo qaar ka mid ah isimo ka soo jeeda beelaha kele ee Puntland ayaa soo dhamaaday iyadoo aysan ka soo bixin natiijo ku saabsan arrintan kulankan loo qabtay.

Beeshaan casuntey Issimadaan ayaa aheyd iney cod tageero ah ka helaan duubabka dhaqanka kaasoo ahaa qorashaha ay ku doonayaan in xubnaha Barlamanka Puntland ku leeyihiin loo kordhiyo.

Xogaha aan helayno ayaa xusaya in Isimada beesha Laylkase kala qayb galay kulankaan ay u shegeen in qadiyadan keligood waxba kala qaban karin iyagoo ku sababeeyey maqnaan-shaha inta badan madax dhaqamedka,  waxaa kele oo ay u jeediyen in Madaxweynaha Puntland la kashadaan sidii arrintan loo dhamayn karo.

Ergada beesha Leelkase aayaa cudurdaarkas ay u muujiyeen Isimada shirka kala qayb galay kadib talo iskula noqdey taasoo aan la ogayn waxa kasoo bixi doona. 

Beesha Leelkase ayaa horey Madaxweynaha Puntland uga soo dhameystey in Dastuurka loo furo si kororsiimo loogu sameeyo kuraasta ay ku leeyihiin Barlamanka Puntland balse arinkaas ayaa fashilmey kadib markii uu ka hor yimid qodobo Dastuurka ku jira halka xildhibaanada golaha shacabka diideen gabi ahaan in ajandahaan la horkeeno kalfashiga 39aad.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM