Shirka Garowe oo la isku khilaafey gobolka Mudug [Dhageyso]

Image

GAROWE 30 April, 2015 ( GO)- Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo ka tirsan gollaha Baarlamaanka dowladda Puntland islamarkaana kamid ah guddiga wadaxaajoodka uga qayb galaya shirka wadashaiga dowlada Somalia iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa sheegey in la isku mari la'yahay qodobka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Xildhibanka oo wareysi gaar ah siiyey Idaacada Radio Garowe ayaa sheegey in guddiga dowlada federaalka u matalaya shirweynaha wadatashiga  aysan rabin iney cadeeyaan maamulka gobolada dhexe halka uu ka dhismayo.

Surcad ayaa sheegey in madaxweynaha Somalia Xasan shiikh uu ilaa hadda ka warwareegayo in shacabka Puntland u cadeeyo in gobolka Mudug u qaybsan yahay Koonfur iyo Woqooyi islamarkaana la cadeeyo soohdimaha maamulkaas ka sameysmayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey u shaaciyey in khilaaf ka dhexjiro guddiyada u kala matalaya dowlada Puntland iyo Federaalka shirkaan HALKAN KA AKHRI 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM