Siciid Deni oo Culimada ku marin habaabinayo ku biirista kooxda muddo kordhinta

Image
Hadalka Deni ayaa loo arkay in uu ku doonayo kasbashada Culimada.

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha xilka ka degaya Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Shirweynaha labaad ee Arrimaha Diinta iyo Nabadaynta Puntland, isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey.

ٍShirkan oo soconaya laba mlaamood ayaa maalintiisa 1-aad looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka abuurtay Puntland jawi rajo xumo iyo hubanti la’aan ah.

Madaxweyne Deni aa Khudbada uu jeediyay isugu dayay inuu ka qeyb galayaasha ka dhaadhiciyo aragtidiisa ku aadan khilaafka, una ekeesiiyo go’aanadiisa xalka kaliya ee xiisada, sida uu hadalka u dhigay mid ka mid ah dadka soo xaasiray barnaamijka oo la hadlay Garowe Online.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale xambaarsaneyd dareen siyaasadeed, isagoo ku tilmaamay magaalada Garowe inay tahay magaalada ugu khatarta badan ee Puntland, hadalkaas oo la xiriirin karo arrimaha doorashada.

Xeeldheerayaasha u dhuun daloola siyaasadda Puntland ayaa rumeysan in hadalka madaxweynaha uu ahaa mid uu ku doonayo inuu ku kasbado Culimada, ka dib markii uu waayay Isimmada iyo Haweenka Puntland oo ka soo horjeestay Muddo Kordhinta.

Shacabka Puntland ayaa ka dhursugaya natiijada ka soo baxda wadahadalada labada dhinac, oo ay garwadeen ka yihiin Isimmada SSC-Khaatumo, maadaama doorashada ay fooda inagu soo hayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM