Siciid Deni oo Culimada ku marin habaabinayo ku biirista kooxda muddo kordhinta

Image
Hadalka Deni ayaa loo arkay in uu ku doonayo kasbashada Culimada.

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha xilka ka degaya Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta furay Shirweynaha labaad ee Arrimaha Diinta iyo Nabadaynta Puntland, isagoo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey.

ٍShirkan oo soconaya laba mlaamood ayaa maalintiisa 1-aad looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka abuurtay Puntland jawi rajo xumo iyo hubanti la’aan ah.

Madaxweyne Deni aa Khudbada uu jeediyay isugu dayay inuu ka qeyb galayaasha ka dhaadhiciyo aragtidiisa ku aadan khilaafka, una ekeesiiyo go’aanadiisa xalka kaliya ee xiisada, sida uu hadalka u dhigay mid ka mid ah dadka soo xaasiray barnaamijka oo la hadlay Garowe Online.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale xambaarsaneyd dareen siyaasadeed, isagoo ku tilmaamay magaalada Garowe inay tahay magaalada ugu khatarta badan ee Puntland, hadalkaas oo la xiriirin karo arrimaha doorashada.

Xeeldheerayaasha u dhuun daloola siyaasadda Puntland ayaa rumeysan in hadalka madaxweynaha uu ahaa mid uu ku doonayo inuu ku kasbado Culimada, ka dib markii uu waayay Isimmada iyo Haweenka Puntland oo ka soo horjeestay Muddo Kordhinta.

Shacabka Puntland ayaa ka dhursugaya natiijada ka soo baxda wadahadalada labada dhinac, oo ay garwadeen ka yihiin Isimmada SSC-Khaatumo, maadaama doorashada ay fooda inagu soo hayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM