Siciid Dheere oo is-casilaya hadaan la bixin mushaharka ciidanka [Dhageyso]

Image

Sept 27, 2015 ( GO)- Taliyaha ciidamada Puntland Sareeye Guuto Siciid Maxamad Xirsi (Siciid Dheere) ayaa wareysi uu siiyey Rdaio Daljir sheegey in aan laga aamusnaan karin mushahar la'aanta ragaadisey ciidamada Darwiishta iyo Booliska Puntland.

Siciid Dheere oo markii ugu horeysay ka hadley mushahr la'aanta ciidamada Puntland ayaa ku tilmaamey iney tahay waxaan loo dulqaadin karin in madaxda dowlada tiraahdo in ciidamada xaqooda ma maqna balse uusan arinku sida kale yahay.

Taliye Siciid Dheere yaa sheegey inuu xilkaan uu iska casilayo hadaan si deg deg ah wax looga qaban mushahar la'aanta haysata ciidamada Puntland.

Hadlka taliyaha ayaa yimdi maalmo kadib markii madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas diidey ineysan jirin mushahar ka maqan ciidamada Puntland isaga oo shegeey in kuwa gadoodka sameeyey maalmihii laoso dhaafey dowlada la xisaab tami doonto. Halkan ka dhageyso

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM