Siciid Shire "PL waa ku daashay raadinta midnimo Soomaaliyeed" [DHEGEYSO]

Image

August 2, 2015 (GO)- Gudoomiyaha Baarlammaanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa sheegay in Puntland tan iyo markii la asaasey inay ka shaqeynaysay midnimada umadda Soomaaliyeed, balse Puntland aysan wax abaal ah ka helin.

''Puntland 17-kii sano kuma mashquul-sanayn horumarkeeda kaliya waayo mamulo kale baa jiray oo ka dhismay wadanka o gooni intey waxoodii u dhisteen dantooda ku mashquulsan Soomaalina banaanka ka maray, Laakiin Puntland laga soo bilaabo Cabdilaahi Yuusuf Allaha u naxariistee maalintuu qabsaday wuxuu bilaabay inuu wax taro gobalada dhiban oo wax taro, kuwaasi ma garan wuxuuu tarayay oo Puntland abaal kagama helin'' ayuu yiri.

Shire ayaa dhanka kale xusay in Puntland ay ku daashay raadinta midnimada umadda Soomaaliyeed, balse wixii hadda ka dambeeya ay haboon tahay in xoogga la saaro sidii loo adkeyn lahaa.

''Maanta haddii alle idmi aniga waxaan ku talinayaa Puntland way soo daashay 17-sano bay Soomaali raadinaysay, Soomaali annagu waan ka tagaynaa hadda oran mayno, laakiin waxaan ku talinayaa madaxda fadhida iyo kuwa damacu ka hayo Puntland waxay u baahan tahay wixii hadda ka danbeeya in iyada dib loo dhiso oo iyada laga fekaro''

Guddoomiyaha Baarlammaanka ayaa warkan ka sheegay munaasabad lagu xusayey 17sano guuradii kasoo wareegtey markii dhidibada loo taagey Dowladda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM