Siciid Xasan Shire oo soo dhaweeyay dhamaynta xiisadii Qarxis [Dhagayso]

Image

July 21,2015(GO) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa soo dhaweeyay dhamaynta xiisadii ka taagnayd deegaanka Qarxis ee Gobalka Nugaal taasoo ay isku hor fadhiyeen ciidamo uu hoggaaminayo Gen.Muxyadiin Axmed Muuse iyo ciidanka dowladda.

Shire waxa uu sheegay Puntland dhaqan inay u tahay dhamaynta arrimaha dhexdooda ka dhaca, wuxuna sidoo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay soo afjarista arrinta Muxyadiin.

''Cid kasta oo wixii gudaha ka socday ka qayb qaadatayna waan u mahad celinayaa, waa dhaqanka reer Puntland lagu yaqaano wax kasta oo dhaca oo lasoo gudboonaada inay xal u helaan iyagoo is-kaashanaa shacab, dhaqan iyo dowlad''.

Hadalkan ayuu sheegay xilli warbaahintu wax ka waydiisay sababta uu maanta u furdhi waayay kalfadhiga Baarlamaanka oo xildhibaanadda todobo bari oo munaasibada ciida loo fasaxay.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay kooramka inuu soo buux sami waayay sidaasi darteedna 22-ka bisha uu dib u furmi doono, waxa uu sheegay inay isha ku hayaan siyasada dalka ayna dowladda Federaalka ugu baaqayaan inay dib ugu soo laabato wadadii saxda ahayd.

GAROWEONLINE

 

July 21,2015 (GO
July 21,2015 (GO

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM