Siciid Xasan Shire: Puntland uma baahna ciidamo ka tirsan AMISOM

Image

May 13, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in Puntland u baahneyn ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta ee AMISOM, maadama ay awood buuxda u leedahay sugidda amniga deegaanadeeda.

Mudane Shire ayaa warkan sheegay mar uu shalay ka hadlayey shir lagu gorfeynayey la-dagaalanka argagixisada oo lagu qabtey xarunta baarlamaanka ee Garowe.

Hay'adaha amniga ee Puntland ayuu sheegay in ay awood buuxda u leeyihiin ilaalinta nabad galyada iyo ka hor tegista wax kastoo nabad galyada khalkhal galin kara.

"Amisom iyo ciidan uma baahnin annagaa isku filan...hay'adaha amnigu waa ku filan yihiin amniga waana difaaci karaan, haddii wax khaldan yihiinna waa la saxayaa..." ayuu yiri.

May 9, 2015 ayey ahayd markii Ergeyga Qarmada Midoobey ee Soomaaliya Nicolas Kay, wareysi gaar ah oo uu siiyey Reuters ku sheegay in la qorsheynayo sidii ciidamo ka tirsan AMISOM loo geyn lahaa Puntland.

Puntland ayaa horay marar badan uga codsatey Qaramada Midoobey iyo Midowga Africa in laga taageero dagaalka ay kula jirto ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM