Sidee Ciidamada Puntland ula wareegeen Af-Urur? [Wareysi]

Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidamada difaaca Puntland, ayaa shalay oo Jimco ahayd dib ula wareegay gacan ku heynta degaanka Af-Urur, oo qiyaastii 90-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Saciid Maxamed Diiriye, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada ayaa u sheegay Radio Garowe in Tuulada ay la wareegeen iyagoo aan wax iska-caabin ah kala kulim Al-Shabaab, oo halkaasi isaga baxday si iskeeda ah.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay Af-Urur bishii lasoo dhaafay.

Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaarey iska hor-imaad kooban oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab, kaaso aan ka dhalan wax khasaaro ah.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda ay tahay mid degan, islamarkaana Af-Urur hadda si buuxda ugu soo laabatey gacanta dowladda Puntland, isagoo hoosta ka xariiqay in markii hore ay xeelad dagaal uga baxeen.

Af-Urur oo ku dhaw Galgala ayaa waxaa ka dhacay bishii June ee 2017 weerar culus oo Al-Shabaab ku qaadey saldhiga Ciidamada Puntland, kaasoo lagu dilay Askar badan iyo dad shacab ah.

Weerarkan oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa oo abid ka dhaca Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas, oo qarisay dhimashada Askarta.

Degaankan oo ku yaalla meel isataraatiiji ah, oo ku dhaw xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxuu ahaa mudooyinkii ugu dambeeyay "Iiga baxa aan soo galee" oo ay isku bedelayeen gacmaha Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM