Sidee Ciidamada Puntland ula wareegeen Af-Urur? [Wareysi]

Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidamada difaaca Puntland, ayaa shalay oo Jimco ahayd dib ula wareegay gacan ku heynta degaanka Af-Urur, oo qiyaastii 90-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Saciid Maxamed Diiriye, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada ayaa u sheegay Radio Garowe in Tuulada ay la wareegeen iyagoo aan wax iska-caabin ah kala kulim Al-Shabaab, oo halkaasi isaga baxday si iskeeda ah.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigtay Af-Urur bishii lasoo dhaafay.

Sarkaalkan ayaa intaasi ku daray in aysan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaarey iska hor-imaad kooban oo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab, kaaso aan ka dhalan wax khasaaro ah.

Wuxuu tilmaamay in xaaladda ay tahay mid degan, islamarkaana Af-Urur hadda si buuxda ugu soo laabatey gacanta dowladda Puntland, isagoo hoosta ka xariiqay in markii hore ay xeelad dagaal uga baxeen.

Af-Urur oo ku dhaw Galgala ayaa waxaa ka dhacay bishii June ee 2017 weerar culus oo Al-Shabaab ku qaadey saldhiga Ciidamada Puntland, kaasoo lagu dilay Askar badan iyo dad shacab ah.

Weerarkan oo ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa oo abid ka dhaca Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas, oo qarisay dhimashada Askarta.

Degaankan oo ku yaalla meel isataraatiiji ah, oo ku dhaw xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxuu ahaa mudooyinkii ugu dambeeyay "Iiga baxa aan soo galee" oo ay isku bedelayeen gacmaha Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo bilad sharaf ku sagootisay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa xilka baneynaysa iyadda oo lagu badalay James Swan oo Ameerikaan ah.

  • Puntland

    19-05-2024

  • 03:21AM

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM