Somalia: Daacish oo shaacisay magaca qofkii isku qarxiyey magalaada Bossaso

Image

BOSSASO- Ururka Daacish ayaa wakaaladiisa wararka la yiraahdo AMAQ  ayaa soo bandhigtey sawirka iyo magaca qofkii isku midaamiyey bar-kontrool ay ciidamada amniga Puntland ka fadhiyeen bartmaha magalada Bossaso.

Qoraal lagu qorey bogga kooxdaasi  leedahay ayaa lagu sheegey in ninka fuliyey qaraxaasi magaciisa ku gaabsheen Abu Qadaama oo kasoo jeeda bessha Mareexaan.

Qaraxaan oo ka dhacey agagaarka Hotel Juba magalaada Bossaso ayaa waxaa ku dhintey Shan qof.

Kooxda tageersan ururka Daacish ayaa ku dhuumaaleysata degaano ka tirsan gobolka Barri iyadoo wararku sheegayaan in weerarkaanu yahay kii ugu horeeyey oo is-miidaamin ah ay ka fuliyaan Puntland Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM