Somaliland " Al-shabaab ma taageerno mana soo maraan dhulkeena"

Image

February 15, 2015 (GO)- Somaliland ayaa iska fogeysey eedeyn uga timid dhanka Puntland taasoo ahayd in Somaliland taageerto kooxaha Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC, ayaa beeniyey eedeynta Puntland isagoo ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah Somaliland.

Dhanka kale, Cali Waran-cadde ayaa mar labaad si kulul u dhaleeceeyey Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Aloore, wuxuuna ku tilmaamay nin ku fashilmey shaqadiisa islamarkaana aan aqoon fiican u lahayn siyaasadda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maanta laga bilaabo Somaliland u aqoonsan tahay Xasan Alloore inuu yahay nin dembi ka galay Somaliland sidaas darteed aan loo ogolaan doonin inuu Somliland soo gaaro haddii uu yimaadana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

January 30, 2015 ayey ahayd markii Puntland ku eedeysey Somaliland lahaanshaha hub laga soo dejiyey dekedda Berbera. Hubkaas oo markii dambe dib loogu celiyey dalka Sudan waxay Puntland ku doodey inuu khatar ku yahay ammaanka gobolka suurogalna ay tahay inuu gacanta u galo xoogaga Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis.

February 8, 2015 waxay Puntland mar kale ku eedeysey Somaliland inay taageero dhaqaale siiso Al-shabaab maadaama marar badan xubno ka tirsan kooxdaas oo la diley ama la qabtey jeebabkooda laga helay lacagta shilinka Soomaaliga.

February 14, 2015 Wasiirka Amniga Puntland oo Garowe shir-jaraa'id ku qabtey, wuxuu sheegay in kooxaha Al-shabaab ee kasoo firxanaya dhanka gobolada koonfurtu, kahor intaysan buuraha Golis soo gaarin inay soo maraan deegaano ka tirsan Somaliland oo magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo kamid yihiin.

Somaliland oo xuduud dheer laleh Puntland islamarkaana khilaaf siyaasadeed oo xoogani kala  dhexeeyo waxay si kulul isaga fogeysey dhammaan eedeymaha loo soo jeediyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM