​Soofe: Waqtigu waa nagu filanyahay hadii Dadku is-diiwaangaliyo

Image

GAROWE, Puntland- Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maanta  soo saarey war-saxaafadeed la xariira shir 11 bishan ka dhacay xarunta PDRC oo looga hadlayay hirgalinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland.

TPEC, ayaa soo saartay 6 qodob oo ay ku jirto in la yareeyay khidmadii laga qaadi lahaa ururrada iyo Axsaabta la diiwaangalinayo, inkastoo aan war-saxaafadeedkaas lagu cayimin.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland, Maxamud Soofe Xasan ayaa sheegay in wax ka badalka lasameeyay loo gudbin doono golaha Wakiillada maadama waxa la badalay uu yahay xeer.

Soofe ayaa aaminsan in hadii dhakhso ururrada loo diiwaangaliyo doorashada soo socoto lagu qaban karo doorasho qof iyo cod ah.

Shirka qodobada lagasoo saaray ayaa waxaa isugu yimid dowladda iyo bulshada rayidka ah, waxaana lagu lafa guray qaabka nidaamka loo dhaqan galin karo.

Waxaa muuqata in qorshan lagu qaban karin doorashada 2019 taasoo ahayd ballanqaadkii Madaxweyne Gaas waqtigii ololaha doorashadii 2014.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM