Soomaaliya: Ergayga UN-ka oo Puntland booqatay xili khilaaf doorasho jiro

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu sii dhamaanayo ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Liang iyo wafdi ay hoggaaminayso.

Kulanka ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidii marwalba Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay, waxaa sidoo kale Kulanka looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool iyo Doorashooyinka Puntland sidii ay u dhici laheyd doorasho dimuqraadiya oo nabad ah.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland.

Booqashada ergayga QM ayaa kusoo aadaysa xili xiisad siyaasadeed iyo mid doorasho ka jiraan Puntland, iyadoo Musharixiinta mucaaradka ay dhawaan sheegeen in hadii Deni doorashada ku qaban waayo waqtigeeda qaban doonaan doorasho.

Deni ayaa lagu eedeeyay inuu damacsan yahay mudo-korarsi, islamarkaana uu diiday inuu qaato go'aanadii iyo talooyinka Isimada iyo Saamileyda siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM