Soomaaliya: Dagaal ka dhacay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Iska hor imaad u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, ayaa maanta oo Jimco ah waxa uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Goob-joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in iska hor imaad uu barkhanimadii maanta ku dhexmaray labada dhinac Suuqa magaalada Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu salka ku hayo arrimo la xiriira muran dhuleed iyo aanooyin qabiil. Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay Iska hor imaadka.

Odayaasha iyo Waxgaradka labada dhinac ayaa bilaabay kulamo gaar gaar ah oo lagu soo afjarayo colaadan soo laa laabatay ee dhiigga uu ku daadanayo iyo sidii heshiis dhaxalgal ah looga gaari lahaa.

Ciidamada Dowladda Federaalka ee dhowaan Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Gorod uu u xilsaaray in ay ka shaqeeyaan xasilinta Gaalkacyo ayaa kala dhex-galay labada dhinac dagaalkii maanta.

Colaadda Gaalkacyo oo mudo dheer soo jiitamaysay ayaa laguu guul-dareestay in la dhameeyo, iyadoo ay shaqeyn waayeen heshiisyo nabadeed oo ay gaareen hogaamiyaasha Puntland iyo Galmudug.

Colaada Magaalada Gaaalkacyo ayaa u muuqata mid ay faraha ka taagteen Dowladda Federaalka, Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Beesha Caalamka, maadaama dhowr jeer ay sameeyeen heshiisyo, welina aanay ka soo naasa cadaanin wax nabad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM