Soomaaliya: Madaxweyne Gaas oo talooyin siiyey Dani

Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ku baaqay in Doorashada madaxtinimada ee dowlada Puntland ay ku qabsoonto wakhtigeedi.

Madaxweyne Gaas oo isagu sidii uu dhigayay Dastuurka Puntland ku qabtay Doorashada 08 Jan 2019 ayaa usoo jeediyay madaxweynaha ay xilhayntiisa Dastuuriga ah ka harsan tahay labo bil iyo maalmo ee Siciid Deni in uusan isku dayin muddo kororsi isla markaana uu isagu haatan hayo masuuliyadda.

"Xalku waa in Doorashada Puntland wakhtigeeda ku dhacdo isla markaana ay ku qabsoonto habkii hore kadib hogaanka yimaada uu sifiican u taaba-geliyo hanaanka Dimuqraadiyadda" ayuu yiri Dr. Gaas.

Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Puntland ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Puntland oo qarka u saaran in ay waajahdo Khilaaf Dastuur iyo Doorasho aan la isla ogalayn.

Gaas ayaa shegeey in xilligii uu doorashada Puntland uu qabanayey ciidamada Somaliland qabsadeen Tukaraq oo magaalo madaxda Puntland u jirta 80 KM.

“Ma oran Puntland dagaal ayay ku jirtaa ee doorashada dib ha loo dhigo balse waxaan ku qabtey xiligeedii, anigoo diidaya in aan wax ka badalo maalinta 8 January.” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Puntland.

Madaxweynihii hore ayaa sheegey in doorasho aan xiligeeda lagu qaban khatar u tahay in Madaxweyne walba isku dayo muddo kororsi .

Dadweynaha ku nool degaano kala gadisan ee Puntland ayaa ku baaqey 48-saac ee la soo dhaafey in Madaxweynaha Puntland ilaaliyo xasiloonida islamarkana doorashada madaxtinimada ku qabto sidii hore madaama aysan jirin muddo xileed u dhiman ee uu ku qabto nooca doorasho ee uu doonayo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM