Soomaaliya: Puntland oo Deegaanadeeda ka Masaafurisay Wariye Jamal Osman

Image

Puntland, Soomaaliya – Puntland ayaa deegaanadeeda ka masaafurisay Wariye Jamaal Osman, oo maalinkii shalay soo gaaray magaalada Garoowe, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow hay’adaha nabad sugidda Puntland.

Sargaal ka tirsan hay’adaha nabad sugida Puntland, oo magaciisa qariyay, ayaa warbaahinta Garoowe Online u sheegay in Jamaal Osman dib loogu celiyay duulimaadkii uu ku yimid Garoowe maalinkii shalay.

Sababta loo masaafuriyay Jamaal ayaan si toos ah loo shaacin, hase yeeshee, tallaabadan ayaa la sarkaal sare u sheegey iney muujinayso sida ay maamulka Puntland uga go’an tahay ilaalinta amniga iyo xasiloonida deegaanada ay maamulaan.

Jamaal Osman, oo ah saxafi ka tirsan shaqaalaha TV-ga Channel 4, ayaa loo yaqaannaa soo saarista barnaamijyo la xiriira arrimaha kooxda Al Shabaab.

Barnaamijkiisii ugu dambeeyey ayaa diiradda saarayay degaannada ay kooxdu ku xooggan tahay Koonfurta Soomaaliya, isagoo soo bandhigay warbixinno muujinaya dhaqdhaqaaqyada kooxda iyo saameynta ay ku leeyihiin gobolka.

Tallaabada Puntland ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan walaacyada amniga ee ka jira deegaanada Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay awood xoogan saareen sidii loo xoojin lahaa amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Maamulka Puntland ama Jamaal Osman ayaan weli si rasmi ah uga hadlin masaafurinta.

Dhinaca kale, saxafiyiinta iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaan ka hadlin arintaan.

Jamaal ayaa looga bartey in xirfadiisa saxafinimo u dheertahay inuu barahiisa bulshada wax kaga sheego qaar ka tirsan madaxda Soomaalida halka mararka qaarkood ku tageero kooxaha xagjirka ah qaab nololeedkooda.

DAAWO WARBIXINTA WARIYAHA GAROWE ONLINE EE PUNTLAND CABDIRAXMAAN XAYIR

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM