Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gargaarka dowladda Puntland, Ubax Cabdirashiid ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray hay'adda SoDMA oo dhawaan sheegtay inay shixnad gargaar u dirtay Puntland.

Ubax ayaa cadeysay in aanu jirin wax gargaar ah oo ka yimid SoDMA oo lasoo gaarsiiyay, waxayna been abuur ku tilmaamtay sheegashada hay'adda arrimaha gargaarka u qaabilsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo lagu eedeeyay musuq-maasuq deeqaha samafalka.

Waxay dhanka kale Wasiir Ubax ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya inay siyaasadeyneyso arrimaha gargaarka loogu tala-galay shacabka dhibaateysan ee baaraha iyo colaadaha barakiciyeen, taasina ay dhaawac ku tahay damiirka bani’aadanimada.

"Waxaan cadeynaynaa in SoDMA sida gargaarka loogu soo dhiibo inaysan usoo gaarsiin reer Puntland," ayay tiri Wasiir Ubax, iyadoo ugu baaqday hay'adaha caalamiga iyo dowladaha deeqaha siiya Soomaaliya in Puntland wixii loogu tala-galay si gaar ah loo siiyo, isla markaana laga madax baneeyo SoDMA.

Waxay ku tilmaantay wax laga xumaado in magaca Puntland xili walba lagu qoro liiska goobaha dowladda gargaarka u dirtay, iyadoo aysan waxba soo gaarsiin, taasina micnaheedu tahay qeybtaas in la musuq-maasuqo, oo bartilmaameedkii loogu tala-galay laga weeciyo.

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya,  oo uu sheegay inay Puntland 2 xabo u direen, balse ma marsiiyay deeqdaas meel aysan ka warheyn Wasaaradda Beeraha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM