SSC-Khaatumo oo beenisay inuu wadahadal dhexmaray Cirro iyo Aw-cali

Image
Warkaan ayaa guud ahaanba meesha looga saaray in labada hoggaamiye ay ka wada arrinsadeen xaaladda ka soo cusboonaatay Ceeri-gaabo.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Qoraal habeenimadii xalay ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada maamulka SSC KHATUMO ayaa lagu beeniyey inuu jiro wadahadal khadka Telefanka ah oo dhexmaray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo hoggaamiyaha SSC KHATUMO Cabdiqaadir Axmed Aw-cali.

Warkaan ayaa guud ahaanba meesha looga saaray in labada hoggaamiye ay ka wada arrinsadeen xaaladda ka soo cusboonaatay Ceeri-gaabo iyo sidii loo baajin lahaa colaad ka dhacda.

HOOS KA AHRISO QORAALKA

Waxaa qaar kamid ah saxaafadda deegaanku warisay in Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ay khadka taleefanka ku wada xidhiidheen Horjoogaha cusub ee Soomaliland oo ay ka wada hadleen arrinta Ceerigaabo.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu si buuxda u beeninayaa jiritaanka warkaas aan salka iyo raadka toonna lahayn oo ay faafiyeen xubno cadawga u shaqaynaya. Maamulku wuxuu laamaha Sharciga la wadaagay baadhitaanka iyo caddaalad horkeennidda ku aaddan cidkasta oo ku lug leh faafinta wararka lidka iyo dacaayadda ku ah jiritaanka Maamulka Ssc-Khaatumo.

Ma jiro, mana jiri doono xidhiidh toos ah iyo mid dadban oo dhex mari kara SSC-khaatumo iyo Maamulka dhiigyacabka ah ee Soomaliland oo ah maamul daalim ah oo dadka reer SSC-Khaatumo ka galay danbiyo dagaal.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo waxaa lagu dhaariyey Axdiga Maamulka oo damaanad qaadaya ilaalinta difaaca sharafka dadka iyo dhulka SSC-Khaatumo oo dhan, ma na jirto suurtagalnimo wadahadal iyo gorgortan looga geli karo qayb kamida dhulka SSC-khaatumo.

Maamulku SSC-Khaatumo wuxuu u taaganyahay difaaca taako kasta oo kamida ah dhulweynahiisa taasoo waafaqsan halgankii shacabka deegaanku soo galeen kuna guulaysteen iyo sidoo kale mabaadi’da tiirarka u ah Jiritaanka Maamulka SSC-Khaatumo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM