Suldaan Cabdiqani Qorane oo degmada Xarfo lagu soo dhoweeyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar (Cumar Maxamud) Shiikh Cabdiqani Qorane Maxamed ayaa gaaray degmada Xarfo ee gobolka Mudug, waxana wafdigaas si wayn loogu soo dhoweeyay duleedka magaalada.

Suldaanka oo ergo laga soo xulay jifooyinka beesha u doorteen xilkan ayaa waxa socdaalka ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan dowladda uuna horkacayo gudoomiye ku xigeenka Barlamanka Puntland xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye, aqoonyahano, ganacsato, nabadoono iyo marti sharaf laga casumey gobollada Puntland.

Wafdiga suldaaka waxaa xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay xarunta dugsiga sare xafladdaasoo ay ka soo qayb galeen maamulka degmada, cuqaasha, waxgaradka, nabadoonnada, haweenka iyo dhalinta ku dhaqan degmada Xarfo.

Madashaas waxaa laga soo jeediyey hadallo isugu jiray taageero iyo duco, waxana suldaanka Ilaah looga baryey inuu u fududeeyo mas'uuliyadda culus ee loo dhiibey.

Dhammaan dadka goobta ka halday ayaa sheegay in Suldaan Cadbiqani Qorane yahay shaqsi hufan, leh aqoon diimeed iyo mid maadi ah islamarkaana u qalma xilka loo doortey.

Duqa degmada Xarfo Cabdiftaax Daahir Cumar oo hadalka furay ayaa soo dhoweeyey Suldaanka cusub oo isagoo xusey in lagu wada farxay xilka loo doortey islamarkaana ay taageero joogto ah mar walba suldaanka siin doonaan.

Gudoomiye xigeenka Barlamanka Puntland oo isna goobta ka hadlay ayaa shirka soo gaarsiiyay salaan iyo hambalyo uu ka siday madaxwaynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Puntland soo dhoweysay ayna raali ka tahay magacaabista Suldaan Shiikh Cabdiqani Qorane.

Suldaanka cusub ee Beesha Maxamed Cumar Shiikh Cabdiqani Qorane ayaa soo xiray kulanka isagoo ka mahadceliyey soo dhowaynta diirran ee loo sameeyay, islamarkaana sheegay in Kitaabka Alle Marjac u yahay markasta uuna ku xukmin doono bulshada uu suldaanka u yahay.

Munaasabadda Caleema-saarka Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa dhici doonta August 20, 2015.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM