​Suldaan Garaase oo ka hadlay Shirka Beesha Leelkase uga socday Garowe [Dhagayso]

Image

GAROWE, Puntland- Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa madax dhaqmeed Puntland islamarkaana ka qayb galay kulan waxgaradka beesha Leelkase uga socday magaalada Garowe, ayaa ka hadlay waxyaabaha  la isla gaaray xilli uu tilmaamay in wajigii koowaad lasoo gaba gabeeyay shirkaas.

Garaase oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa xusay inuu guul kusoo dhammaaday kulankaas beeshu uga arrinsanaysay arrimo ku aadan kordhinta Barlamanka Puntland, kasoo todobaadkii hore ka furmay caasumadda Puntland.

“Waxaanu isla afgaranay keliya in xukuumada aan la kaashano arrintan wajiga kowaadna guul buu ku dhamaaday ka labaadna waxaan kala maarmi waynay xukuumadda Puntland wixii dib ka so baxana war baanu ka soo saari doono,” Ayuu yiri Suldaan Siciid.

Suldaanka ayaa intaas ku daray in wajiga labadaad lagama maar-maan noqotay inay joogto xukuumadda iyo Madaxweynaha sidaas darteed isla gaareen inay dib la isugu yimaado islamarkaasna la shaaciyo natiijada laga gaaro isu imaatinkaasi.

Beesha Leelkase ayaa cadaadis ku saaraysa Isimada Puntland inay ka qayb qaataan dalabkooda ku aadan in la kordhiyo Xildhibaanada Puntland taasoo dhabada u xaaraysa in is-badal lagu sameeyo Dastuurka.

Lama oga doorka Xukuumaddu ku leedahay shirkaas, maadama horay Madaxweyne Gaas Barlamanka ugu gudbiyay waraaq codsi ah oo ku doonayay in lagu siyaadiyo tirada golaha Wakiillada oo iminka ah 66 mudane.

Barlamanka Puntland, ayaa diiday dalabkaas iyagoo sheegay inay tahay qorshe horseedi kara khilaaf iyo beelo badan oo tabasho qaban ku doodaan inay xubno ku yeeshaan golaha Wakiillada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM