Suldaan Garaase "Waxaa jirta xaqiraad, mana aqbalayno" [Dhagayso]

Image

1 September, 2015(GO)-Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah isimada Puntland ayaa sheegay inaysan jirin wax tixgalin ah oo loo sameeyo isimid Puntland.

Garaase ayaa sheegay in isimada lagu xaqiro goobaha la isugu yimaado, balse loo baahdo xilliga isku dhacyada oo kaliya.

Suldaan Sicid oo hadalkan ka sheegay xaflad lagu daahfurayay shirkadda Somtel qeybteeda Puntland ayuu xusay inaysan aqbali doonin xaqiraada lagu hayo, oo ay tagi doonto xilliyo ay ka cududaartaan goobaha la isugu yimaado.

Waxa uu sheegay inaysan mucaarad ku ahayn  dowladda Puntland balse uu ka hadlay arimo xaqiiqa ah, waxaana uu ku baaqay inaan loo qayshan markii arini dhacdo ama laga joojiyo xaqiraadda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli shirkii wadatashiga Puntland ee Galkacyo ku soo idlaadey qodobadii ka soo baxay ay ka mid ahaayeen in isimada Puntland ka dhex baxaan siyaasadda.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM