Taliyaha Boliiska gobolka Bari oo hadal caro leh u jeediyay dadka deegaanka [Dhagayso]

Image

16 January, 2016(GO)-Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen ayaa maanta hadal caro leh u jeediyay dadka ku nool gobolkaasi oo uu ku eedeeyay inay wadaan arrimo ka dhan ah xasilooninada iyo wado dagaanaansha.

Cabdixakiim oo shir jara'id maanta ku qabtay magalada Bosaso ayaa tilmaamay in gobolka qof walba u simanyahay islamarkaana aysan jirin cid gooni ah oo laga leeyahay, wuxuuna arrintaas ku tilmaamay mid shacabka gobolka Bari ka dhaxli doonaan cawaaqib xumo keeni karta in caruurtooda afka ku qaataan.

Macaddayn taliyuhu sababta keentay inuu jeediyo hadalka caradiisu halkaas gaarsiisantahay, balse waxa uu ku koobay dadka uu lahadlayo inay wadaan falal amni darro, isagoo xusay inay gacanta ku dhigi doonaan shakhsi kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha xasilooni darrada gobolka.

Waxaa uu sheegay shakhsiyaadka qaska wada inay huwanyihiin magac qabiil, balse markay runta tagto jiri doonin qabiil ama koox ka daba imaan doonta, waxaa uuna ugu baaqay inay ka joogsadan arrimaha lagu eedaynayo.

Maaha markii ugu horraysay oo taliyaha ciidanka Boliiska gobolka Bari hadalladan oo kale u jeediyo dadka ku dhaqan gobolkaasi, sannadkii hore ayayna ahayd markii rabshad dhexmartay arday iyo macaliimta Iskuulka Al-Najax Bosaso uu da'yarta Iskuulkaasi ku sifeeyay kuwo aan waafaqsanayn sharciga Islaamka isagoo si bareer ah u yiri "Najaaso, wacallo , xaaraan lagu koriyey".

Hadalkaas waxaa si aad ah uga carooday waalidiinta iyo waxgaradka Bosaso, mana jirto wax tallaabo ah oo dowladda Puntland ka qaaday gaar ahaan Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM