Taliyaha ciidanka booliiska Somalia oo Carmo ku wajahan

Image

11 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka booliiska Somalia ayaa maanta u ambabaxay magalada Carmo ee gobolka Bari.

Safarka taliyaha waxaa ku wehelinaya wasiirka Amniga Puntland, taliyaha ciidanka booliiska iyo saraakiil kale, waxaana ujeedkoodu yahay booqasho ay ku marayaan dhammaan xarumaha booliiska Puntland.

Mas'uuliyiinta ayaa sii maraya magalada Qardho si ay u sii booqdaan xarumaha booliiska degmadaasi, waxaana taliyaha ciidanka booliiska Somaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo sheegay xilli 09 Octobar yimi Garowe inuu qiimayn ku samayn doono dhammaan xarumaha ciidanka booliiska Puntland.

Shalay ayuu kormeer ku tagay xarumo dhawr ah oo ku yaalla magalada Garowe caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM