Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Nugal oo ka hadlay arrimo amniga ku saabsan

Image

22 December, 2015(GO)-Taliyaha qaybta Boliiska gobolka Nugal Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Abshir Faarax ayaa sheegay inay adkaynayaan amniga gobolka gaar ahaan Caasumadda, maadaama barri lagu wado in lagu qabto xaflad lagu maamuusayo dhalashada Nabigeenna NNKH.

Cabdiraxmaan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe, ayaa hambalyo u diray dhammaan u madda muslimka ah meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna ku booriyay inay ka qayb qaataan weynaynta xuskaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale ka hadlay dhaqan celin ay u samaynayeen dhalinta ku nool magalada Garowe, gaar ahaan kuwa sida aan wanaagsanayn u jarta ama u xiirta timaha, wuxuuna sheegay inay arrintaasi meel wanaagsan marayso.

Tima jarayaasha laftigooda ayuu tilmaamay inay dhaqan celiyeen oo si wanaagsan ugu xiireen, waxuuna xusay inaan la ogaan doonin qof timihiisa u jaraya si aan haboonayn.

Wuxuu sidoo kale fariin u diray kuwa sanceeyay Tooreeyada ama Ablayda, isagoo sheegay inay mamnuuc tahay dhalinyarada loo tumayo, ciddii hawshaasi lagu arkana tallaabo laga qaadi doono.

Ganacsigooda ayuu xusay inaan laga hor istaagi doonin balse mas'uuliyada ka saarantahay qiimayn ku sameeyaan cidda ka iibiniyaan Tooreeyada.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli laamaha amniga degmada Garowe wadeen qorshe timaha looga xiirayo dhalinyarada caadaysatay inay u jartaan qaab khaldan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM