Sarkaal ku dhawacmay shil gaari ka dhacay gobolka Bari [Dhagayso]

Image

14 Octobar, 2015(GO)-Shil gaari oo maanta ka dhacay degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa dhaliyay dhawac culus oo soo gaaray labo xidigle Cabdullaahi Geelle oo ka mid ah ciidamo tababar uga yimi gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa qaba dhaawac culus, waxaana la sheegay in loo qaadi doono magalada Hargaysa sida uu Radio Garowe goor dhawayd u xaqiijiyay taliyaha saldhiga bari ee Garowe Cabdisamad Warsame cCiise oo tababar u jooga Carmo.

Gaariga rogmaday, waxaa la socday labo qof, mid kamid ah ayaa soo gaaray dhaawac fudud halka kan kale uusan soo gaarin wax dhib ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM