​Taliye ku-xigeen katirsan Booliiska Puntland oo la dhaawacay

Image

BOSASO, Puntland- Labo nin oo Bastoolado ku hubaysan ayaa magaalada Bosaso ku dhaawacay Taliye ku-xigeenka Labàad ciidamada Booliiska Puntland.

Jaamac Saxardiid, ayaa LA weeraray xilli uu ku sugnaa Makhaayad ku taalla magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.

Dhaawac halis ayaa lagu waramayaa inuu weerarka kasoo gaaray Taliyaha.

Nimankii falka gaystay, ayaa goobta ka baxsaday iyadoo aan wali la aqoonsan haybtooda.

Lama oga sababta loo weeraray Taliye Saxardiid.

Ciidamada ammaanka, ayaa durba goobta soo gaaray iyagoo sameeyay baaritaano kala duwan.

Majirto ilaa hadda cid falkaas ka hadashay iyo koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka Taliye Saxardiid.

Xaaladda magaalada ayaa dagan inkastoo laga dareemayo howlgallo ciidan iyo baaritaano socda.

Dhacdadan, ayaa kusoo aaday xilli dhawaan howlgal ciidanku ka sameeyeen degmada Qandala oo ay qabsadeen mallayshiyaad taabacsan Daacish, kuwaas oo fakaday dhinaca Buuraha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM