Taliye ku xigeenka Booliska Puntland oo la dhaawacay

Image

GAROOWE, Puntland - Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland, Bile Faarax Cali ayaa lagu dhaawacay inta u dhaxaysa magaalada Garoowe iyo degmada Tukaraq, ee gobolka Sool.

Sarkaal Ciidanka Puntland katirsan ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Bile Faraax uu ku dhaawacmay Israsaaseyn dhexmartay Illaaladiisa iyo Ciidamo ku sugan Bar-koontarool oo ku taalla deegaanka Buuro-wadal.

Taliy ku xigeenka ayaa soo gaarey dhaawac fudud, waxaana la dhigay Isbitaalka magaalada Garoowe, halkaasi oo dhaqaatiirta la tacaalaysa dhaawaciisa kusoo waramayaa in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Wali ma jiro wax war ah oo Saraakiisha dowladda Puntland ay kasoo saareen dhacdadan uu ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Booliska. Bile Faarax Cali, ayaa horey ugu dhaawacmay rasaas uu riday Taliyaha Booliska.

October 2017, Bile ayaa ku dhaawacmay rasaas uu taliyaha booliska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ku riday Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne kadib markii ay isku khilaafeen Shir amni oo ka dhacay Garowe. Halkan ka akhri.

Goobta taliye xigeenku ku dhaawacmay ayaa ahayd hotel uu shir uga socday Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo kuxigeenkiisa, Gudoomiyaha Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada. 

Sanadkii 2016-kii gacan ka hadal dhexmaray Saraakiil Booliska ka tirsan uu dhaawac halis ah ka soo gaaray wasiirkii Amniga xiligaas Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM