Taliye loo magacaabay ciidanka ilaalada garoonka Bosaso

Image

16 December, 2015(GO)-Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland ayaa taliye u soo magacaabay ciidanka ilaada garoonka Bosaso kadib dilkii ALLAHA u naxariistee Xassan Shire Amaan.

Gen: Cabdirasaaq Afgaduud oo la hadlay Radio Garowe ayaa xaqiijiyay magacaabista taliyaha cusub oo lagu magacaabo Gaashaanle Aadan Muuse Jamac oo horay u soo noqday taliyaha saldhigga dhexe ee magalada Garowe, haatanna ka mid ahaa ciidanka ilaada hay'adaha ee loo yaqaan SPU.

Afgaduud ayaa sheegay inuu Aadan ku doortay mas'uuliyad islamarkaana ku tilmaamay shakhsi ka soo bixi kara xilka loo dhiibay, wuxuuna xusaay inay wadaan isku shaandhayn ciidanka garoonka Bosaso iyo garoonka dhawaan dhismihiisa la bilaabayo ee Garowe Airport.

Arrintan ayaa timi kadib dil dhawaan loo gaystay taliyihii ciidanka ilaada garoonka Bosaso Xassan Shire Amaan. Weli gacanta laguma soo dhigin shakhsigii dilay, balse Afgaduud oo wax laga weydiiyay ayaa tilmaamay inay ku raad joogaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM