Tallaabooyinka Karaash ma gacan-saddexaad baa ku jirta?

Image
Xogta waxay intaas ku daraysaa in madaxwayne ku xigeenka lasoo gaarsiiyey miisaaniyad uu ku fuliyo qorshahan.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan [Karaash], ayaa xalay wareegto uu soo saarey wuxuu ku sheegey inuu badalay wasiiradda amniga gudaha, maaliyadda iyo arrimaha gudaha & dimuqraadiyeynta xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo Muqdisho u jooga olole ku aadan doorashadda madaxtinimada Soomaaliya ayaa wali caddeyn mowqifkiisa ku aadan talaabadda uu qaadey Axmed Karaash.

Maalmo kahor, Karaash oo haatan ku sugan xarunta gobolka Bari ee Boosaaso ayaa isku-shaan-dheyn aan wali dhaqan-gelin ku sameeyay agaasimeyaasha wasaaradaha Puntland.

Sidoo kale, Karaash oo adeegsanaya ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa maalmo kahor wuxuu guddoomiyeyaal u magacaabay qaar kamid ah goboladda Puntland.

Deni oo bayaan soo saarey laguna faafiyey ciwaankiisa Facebook-ga iyo bogga Madaxtooyadda ayaa buriyey isbaddala uu sameeyay Karaash wuxuuna ku sifeeyay "wareegtooyin baalmarsan dastuurka oo aan dhaqan-gal ahayn".

Suurtagalnimadda gacan-saddexaad

Tallaabooyinka Karaash ayaa kusoo beegmay iyadda oo Soomaaliya ay isku-diyaarineyso doorashadda madaxtinimadda lana doortey gudodonka Labada Aqal ee baarlamaanka 11aad.

Dadka la socda siyaasadda Puntland iyo Soomaaliya ayaa rumeysan in saddexaad ay gadaal ka riixeyso tallaabooyinka Karaash qaadey todobaadyadii lasoo dhaafay. Xogta waxay intaas ku daraysaa in madaxwayne ku xigeenka lasoo gaarsiiyey miisaaniyad uu ku fuliyo qorshahan.

Warbixinadda oo laga helay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa intaas ku daraya in gacanta saddexaad ee ku lug leh xasaradan ay baadi-goobeyso "in ay dhaawacdo ololaha Saciid Deni ee raadinta hogaaminta Soomaaliya".

"Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in faragelinta ay salka ku hayso in dildilaacyo laga abuuro Puntland," ayuu yiri qof kamid ah dadka la hadlay Garowe Online ee sidda dhow ugu kuur-galay khilaafka labadda mas'uul oo wali aan la kala dhex-gelin.

Maamulka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si ba'an ula dagaalamay nidaamka federaalka Soomaaliya shantii sano ee lasoo dhaafay  wuxuuna isku-dayay in uu maamuladda geysto hogaamiyeyaal daacad u ah una boobo doorashada wuuna ku fashilmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM