​Tamarta Cad-ceedda laga dhaliyo oo Garowe laga hirgaliyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Waxaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray baarnaamij cusub oo shirkadda NECSOM ka hirgalisay magalada Garowe caasumadda Puntland kaasoo socday muddo saddex sano ah, wuxuuna ku shaqaynayaa ilayska Cad-ceedda. 

Dahfurkan oo isagu jiray labo qaybood oo kala ah; magac badalista shirkadda korontada NEC oo loo baxshay NECSOM iyo qorshah tamarta looga dhalinayo Qoraxda, ayaa waxaa kasoo qayb galay madxweyne ku-xigeenka Puntland, xubno kasocday labada gole ee dowladda, Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, maamulka gobolka, kan degmada, waxgarad, ganacsato iyo xubno kasocda bulshada qaybaheeda kala duwan.

Maamulaha shirkadda NECSOM, Cabdifitaax Kismaayo, oo ka hadlayay qorshahan cusub ayaa tilmaamay inay qiimihii hore ee laga qaadi jiray bulshada labadalay islamarkaana laga dhigay $0.79 halka markii hore ahaa $0.95. 

Waxaa sidoo kale maamulka sare ee shirkaddu sheegeen in labadalay magaca NEC oo loo baxshay National Electric Coorporation of Somalia (NECSOM), iyagoo xusay inay ka hawlgalayaan Somalia oo dhan marka laga reebo Kismayo oo hadda shirkaddu ka shaqayso.

Bulshada goobta isugu timi oo madasha kalmado ka soo jeediyay ayaa soo dhaweeyay ballaarinta shirkadda Korontada gobolka Nugal, waxayna ka codsadeen in shacabka Garowe tixgalin gooni ah lasiiyo maadama muddo usoo dhabar adaygeen sicir adag iyo lashaqaynta NEC. 

Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole, oo xafaladda kasoo qayb galay, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay marxaladihii kala duwan ee shirkaddu soo martay iyo halka maanta joogto, wuxuna ku bogaadiyay inay sii xoojiyaan shaqadan shacabkana tixgalin usameeyaan.

Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camay ku-xigeenka Madaxweynaha Puntland, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay, wuxuuna NECSOM ugu baaqay inay sii dardargaliyaan haqab tirka korontada ay u baahanyihiin bulshada ku nool Puntland iyo guud ahaanba Somalia.

NEC, ayaa la aas-aasay sannadkii 2002 bishii December, 20-keedii, waxayna soo martay heerar kala duwan iyadoo maanta soo gaartay inay bixiso adeeg kushaqaynayaa cad-ceedda. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM