Tartan kubadda Kolayga ah oo Garowe lagu soo xiray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

28 December, 2015(GO)-Waxaa magalada Garowe lagu soo gaba gabeeyay tartankii ugu horeeyay kubadda Kolayga degmada Garowe tan iyo markii la asaasay xiriirka kubaddaasi labo bilood ka hor.

Cayaartan oo socotay saddex bari waxaa loo qabtay afar kooxood oo laga soo xulay caasumadda Puntland, waxaana lagu xijin doonaa gobollada cayaaro dhawaan lagu qaban doono gobollada Bari,Karkaar iyo Mudug.

Ujeedka tartankan ayaa xiriirku ku sheegay soo noolaynta cayaarta gacanta laga dheelo ee Basket Ball-ka, waxayna tilmaameen in dhawaan samayn doonaan horyaalka guud ee Puntland.

Koobkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xiriirka kubadda Kolayga Puntland oo kaashanaya wasaaradda cayaaraha iyo UNFPA, waxaana munaasabad lagu soo afmeerayay tartankan lagu qabtay xarunta farsamada gacanta Garowe oo koobku ka socday, waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin kasocota wasaaradda Cayaaraha, Xanaanada Xoolaha iyo rugta ganacsiga Puntland.

Wasiirka wasaaradda Shaqada Shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaa tartankan iyo hawsha xiriirku billaabay, isagoo tilmaamey inay gacan ka gaysan doonaan qaabkii kor loogu qaadi lahaa sumcadda Kolayga.

Dhinaca kale qaar kamida mas'uuliyiinta dowladda gaar ahaan wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha Puntland Cabdiwali Seed ayaa xusay inuu sameeyay labo kooxood oo dheela kubadda Kolayga, wuxuuna ganacsatada ugu baaqay inay dhiiri galiyaan dhalinyarada arrintan xiisaynaysa.

Gaba gabadii koobka ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyay dhalinyarada iyo kooxda koobka qaaday oo ku ciyaaraysay magaca Rugta Ganacsiga Puntland, waaana qabsoomidda cayaartan gacan ku lahayd hay'adda UNFPA.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM