Tayeynta waxbarashada dugsiyada sarre Puntland oo laga shiray

Image
Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada.

GAROWE, Puntland - Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee loo xilsaaray kormeerka iyo u kuurgelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada ee Puntland, gaar ahaan tacliinta sare iyo dugsiyada hoose iyo dhexe. Mas'uuliyiinta wasaaradda ayaa warbixinno ka bixiyay heerarka waxbarashada, caqabadaha taagan, iyo qorshayaasha lagu xallinayo dhibaatooyinka jira.

Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada iyo sidii looga jawaabi lahaa baahiyaha muhiimka ah ee dugsiyada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM