Tifatirihii shabakadda Shacabka Media oo Garowe lagu xiray

Image

January 21, 2015 (GO)- Ciidamada booliska ee Garowe ayaa xalay xabsiga u taxaabay Xuseen Yaasiin Godo Godo oo ah tifatiraha shabakada Shacabka Media.

Ninkan oo dhowaan Garowe soo gaarey, wuxuu kamid yahay qurbe-joogta reer Puntland ee kasoo jeeda gobolka Mudug.

Dowladu xarigiisa wax war ah weli kama soo saarin, waxaana socda dadaal ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP ku doonayo in ninkaas dib xoriyaddiisa loogu soo celiyo.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli marba marka ka dambeysa uu soo kordhayo walaaca laga muujinayo qaabka dowladda Puntland ee Madaxweyne Gaas hoggaamiyo ula dhaqmeyso warbaahinta.

Bishii December ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii ururka wariyeyaasha aan xuduudka lahayd ee RWB sheegay in caburis lagu hayo bahda warbaahinta Puntland iyo weliba siyaasiyiinta mucaaradka.

Qoraal kasoo baxday xafiiska madaxtooyada Puntland u qaabisaln saxaafada September 20, 2014, waxaa lagu amray shirkadda isgaarsiinta ee Golis inay hawada ka saarto lix mareegood oo Garowe Online kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM