Tirada dhimashada askarta oo korortey, Madaxweynaha oo booqdey

Image

June 21, 2015 (GO)- Waxaa korortey tirada askarta ku geeriyootey shil gaari oo saaka ka dhacay meel u dhow deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Afar askari oo dhaawac culus qabay ayaa geeriyoodey, waxayna taasi ka dhigeysaa tirada guud ee dhimashada toban qof halka dhaawacu gaarsiisan yahay shan iyo toban.

Dhaawacyada qaarkood waxay saraakiisha caafimaadku sheegeen in aan dalka waxba looga qaban karin, maadaama xaaladdoodu aad u culus tahay.

Badi askartu waxay wax ka qabaan madaxa, xangullaha iyo qoorta. Akhriso warbixin Garowe Online horay uga qoray shilkaas.

Madaxweynaha oo tegey isbitaalka:

Madaxweyne Cabdiweli Maxmed Cali Gaas oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa isbitaalka Garowe ku booqdey askarta dhaawaca ah.

Madaxweynuhu wuxuu xaaladda askarta ka waraystey maamulka iyo dhakhaatiirka isbitaalka, isagoo ku boorriyey in daryeel caafimaad oo khaas ah loo fidiyo.

Gaas ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada iyo qaraabada askarta geeriyootey, wuxuu iyagana Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo.

Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu xil iska saareyso daryeelista ciidamada shilka galay, isagoo xusay in haddii ay suuragal noqoto, kuwo dhaawacyada culus qaba dalka dibaddiisa loo qaadi doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM