Toban kun oo ardey oo gelaya imtixaanka shahaadiga ee Puntland

Image

May 18, 2015 (GO)- In ka badan toban kun oo arday oo ku sugan deegaannada Puntland ayaa todobaadka soo socda u fariisan doona imtixaanaadka shahaadiga ee looga gudbo fasallada afraad dugsi dhexe (siddeedaad) iyo afraad dugsi sare (labo iyo tobnaad).

Madaxa Waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Axmed Maxamuud Axmed (Saahid), ayaa Radio Garowe u sheegay in sanadkan imtixaanka shahaadiga ah ay geli doonaan 10, 050 (toabn kun iyo konton) ardey oo isugu jira 6,427 wiil iyo 3,626 gabdhood.

Fasalka siddeedaad waxaa imtixaanka gelaya 7, 235 halka fasalka labo iyo tobnaadna ay gelayaan 2, 818.

Axmed Saahid ayaa sidoo kale sheegay in imtixaanka lagu qaadi doono 74 xarumood islmarkaana shan boqol oo qof oo isugu jira ilaaliyeyaal iyo kormeerayaal loo xil saaray habsami u socodka imtixaanka.

Maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay May 23, 2015 ayuu si rasmi ah imtixaanku u furmi doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM