​Ugaas Cabdullaahi oo geeriyooday, Madaxda Puntland oo u tacsiyaysay

Image
Image
Image
Image

AHN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada Puntland ayaa xalay ku geeriyooday dalka Turkiga halkaasoo u joogay arrimo caafimaad, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxda Puntland kadib kulan ay isugu yimaadeen xarunta madaxtooyada magaalada Garowe kahor safarka madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 17 Agoosto, 2016 si wada jir ah uga tacsiyeeyey Ajashaasi.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuumka in uu ahaa shaqsi ku weyn shacabka reer Puntland islamarkaana uu ahaa shaqsi u taagan ka shaqaynta nabadda iyo midnimada gobolka.

" Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan maanta halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dadweynaha reer Puntland meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Eebbe ha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo xalay ku geeriyoodey dalka Turkiga, Waxaan Eebbe uga rajeynayaa in uu naxariistii Jannada ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan uu  ka siiyo,"Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Dhinaca madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamanka ayaaa tacsi taas lamid ah u diray ehelka iyo dhammaan umadda reer Puntland ee uu ka xijaabtay marxuum Ugaas Cabdullaahi iyagoo EEBBE u weydiiyay inuu naxariistiisa ka waraabiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM