​Ugaas Cabdullaahi oo geeriyooday, Madaxda Puntland oo u tacsiyaysay

Image
Image
Image
Image

AHN Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo kamid ah Isimada Puntland ayaa xalay ku geeriyooday dalka Turkiga halkaasoo u joogay arrimo caafimaad, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxda Puntland kadib kulan ay isugu yimaadeen xarunta madaxtooyada magaalada Garowe kahor safarka madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 17 Agoosto, 2016 si wada jir ah uga tacsiyeeyey Ajashaasi.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuumka in uu ahaa shaqsi ku weyn shacabka reer Puntland islamarkaana uu ahaa shaqsi u taagan ka shaqaynta nabadda iyo midnimada gobolka.

" Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan maanta halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa dadweynaha reer Puntland meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Eebbe ha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdullaahi Ciise Nuur oo xalay ku geeriyoodey dalka Turkiga, Waxaan Eebbe uga rajeynayaa in uu naxariistii Jannada ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo Iimaan uu  ka siiyo,"Ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Dhinaca madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Barlamanka ayaaa tacsi taas lamid ah u diray ehelka iyo dhammaan umadda reer Puntland ee uu ka xijaabtay marxuum Ugaas Cabdullaahi iyagoo EEBBE u weydiiyay inuu naxariistiisa ka waraabiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM