UK oo bilowday wadahadal ku saabsan inuu toos ula macaamilo Puntland

Image
Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

GAROWE, Puntland - Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey saddex qodob oo ay kala hadashay Dowladda Puntland kadib kulankii dhexmaray madaxwayne Deni iyo danjire Mike Nithavrianakis.

Qoraal lagu daabacay ciwaanka Twitter-ka ayaa lagu fahfaahiyey qodobadan kuwaas oo midka ugu horeeya uu xeerinayo in wadashaqeyn toos ah ay dhexmareyso Puntland iyo Dowladda UK.

Dowladda Puntland ayaa horey u dalbatay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka kadib markii uu xummaadey xiriirka kala dhaxeeya Madaxtooyadda Soomaaliya.

"Muhiimada ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee khilaafku kataagan yahay, gaar ahaana dibu eegista dastuurka Soomaaliya," ayaa lagu sheegay qodobka labaad.

Puntland ayaa ka goos-qabsatay qaabka ay u martay madaxtooyada Soomaaliya furitaanka dastuurka. Diblumaasiyiinta loo yaqaano C6+ oo ay UK ka mid tahay, waxay ku cadaadinayaan Puntland iyo Dowlada Federaalka in ay wada hadal siyaasadeed yeeshaan.

"Sida ay Dowladda UK gacan uga geysan karto kobaca dhaqaalaha ee Puntland," ayaa lagu sheegay qodobka saddexaad oo ay diiradda saareen hogaanka Puntland iyo Dowladda UK.

Puntland ayaa waxa ay horey u codsatay in mashaariicaha horumarinta gaar dhankooda loo siiyo. Dalabkan waxa uu daba socdaa in uusan xiriir wadashaqeyn ka dhexaynin Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM