Ururka saxafiyiinta Puntland oo diidey colaada Tukaraq

Image

Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP waxa uu walaac ka muujinayaa xaalada coladeed ee ka soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, taasi oo khatar ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Waxaan ugu yeereynaa Dowladaha Puntland iyo Somaliland inay u maraan xalinta colaada gobolka Sool wadiiqo kasta oo ka hortageysa in dhiig dambe ku daato.

Waxa ayaan darro ah, ceebna inagu ah inaan aragno Saxafiyiin ka qayb qaadanaya hurinta colaada iyagoo ku baahinaya muqaalo, warbixino iyo qoraalo bogaga ay ku leeyihiin baraha xiriirka bulshada (Social Media).

MAP waxay xasuusineysaa Saxafigu inuu yahay ergayga nabada xiliyada xaalada colaadeedi jirto, waxana ay ku baaqeysaa in warbaahintu ka shaqeyso xasiloonida, islamarkaasina Saxafiyiintu ay dhowraan Anshaxa Mihnada.

Ugu dambeyn MAP ayaa ka codsaneysa Bulshada Rayidka ah inay nagu soo biiriyaan codkooda ololaha raadinta degenaanshaha, nabada iyo baajinta khasaare nafeed oo dhamaan masuuliyadi nagawada saarantahay.

Dhamaad

Media Association of Puntland (MAP)

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM