Ururka Saxafiyiinta Puntland oo Dooranaya Guddoomiye

Image

GAROWE- Ururka Suxufiyiinta Puntland ayaa maanta waxa ay dooran doonaan Hogaanka Ururka Warbahinta Puntland ee MAP hogamin lahaa 3Sano ee soo socota.

Gudoomiyaha ururkan ayaa waxaa u istaagey 3 musharax kuwasoo kala ah; Mahomed Daahir Caynsane, Mohamed Mahamud Haji (Wel Hajji), Abaadir Cabdulqaadir Cilmi.

Gudoomiyaha cusub ayaa bedali doona Faysal Barre oo muddii 3 sano ee la soo dhaafay ururka hogaaminayey isagoo shaaciyey in uusan markale xilka u tartami doonin.

Dhinaca kale ururka saxafiyiinta Puntland ayaa dooran doona Xoghaya ururka iyadoo ilaa iminka ay u taagan tahay Nasro Abdirizak
Ururkaan ayaa sidoo kale waxaa uu dooran doonaa Gudoomiye ku xigeen, khasnaji iyo iyo Shan xubnood oo ka mid noqon doona Gudiga fulinta.

Ergooyinka dooran doona Gudomiyaha ururka, ku xigeenadiisa, Xoghayaha iyo xubnaha ka ayaa gaaraya 100 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM